Chief Editor

Cabdirisaaq Xaaji Xuseen: Duq Ka Eexday Taariikhda

Cabdirisaaq Xaaji Xuseen: Duq Ka Eexday Taariikhda
Decrease Font Size Increase Font Size Text Size Print This Page

Ra’iisal Wasaarihii hore ee Jamhuuriyaddii la odhanjiray Somalia ayaa
waxa uu dhawaan waraysi siiyay Xarunta Taxliilka  Siyaasadda iyo Cilmi
Baarista ee CPAR (Center for Policy Analysis and Research, oo ah Hay’ad
Somali-American ah. Waraysigaas uu bixiyay Mudane Cabdirisaaq Xaaji
Xuseen  ma ahayn mid dheellitiran oo xaqa iyo caddaaladda ku salaysan.
Waxa uu ahaa waraysi ku salaysan caadifad beelaysan. Mudane Cabdirisaaq
waxaa uu sheegay in Beesha Hawiyuhu u geystay Beeshada Daaroodka
masiiboweyn sannadkii 1991 ee dagaallada sokeeye ka qarxeen magaalada
Muqdisho taas oo aanay marnaba Beesha Daarood illaawidoonin. Waxaa uu
yidhi waxaa Beesha Daaroodka laga caydhiyay magaaladii Muqdisho ee ay
maalgashadeen iyada oo hantidoodana la bililiqaystay, dad badanna
naftooda ku waayeen. Waxaa kale oo uu yidhi Beesha Hawiyuhu ma garowsana
inay Beesha Daaroodka u geysteen dhibaatooyin kana dalbaday inay
raalligelin ka bixiyaan. Waxaad ka tagtay in Cabdullahi Yusuf Beesha
Hawiye, siiba Beesha Habargidir,  ku xasuuqay Ciidamadii Itoobiya
sannadkii 2007 si uu ugu aargudo wixii Daarood ku dhacay 1991. Miyaanay
Beesha Daarood waajib ku ahayn inay arrintaas ka bixiso raalligelin
maadaama aanay Beesha Hawiye illaaweyn weligeed.

Taariikhdu waa wax qoran,  duuban, isla markaana muujisa muuqaalka waxa
dhaca oo qofna sida uu doono uma fasirikaro. Anigu ma difaacayo Beesha
Hawiye mana inkirayo dhibaatooyinkii loo geystay Beesha Daarood oo dulmi
uma xagliyo. Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen waxa uu u  hadlay sidii
dagaalladii sokeeye ee lagu hoobtay kana dhexdhacay Jamhuuriyaddii la
odhanjiray Somalia oo maanta ah Somaliland iyo Somalia ay ku koobnaayeen
oo qudha Beesha Daarood iyo Beesha Hawiye kana dhaceen oo qudha
magaalaba Muqdisho. Muqdisho waxay ahayd magaalo madaxdii Jamhuuriyaddii
Somalia oo cidkastaba deganayd cidkastana dhisatay. Maalka la
bililiqaystay iyo qaxinta dadka waa loo wada sinnaa, laakiin waa run oo
dilka iyo qaxa ka dhacay Xamar waxaa u badnaa Beeshada Daaroodka.

Waxaa kale oo la yaab leh sida Cabdirisaaq Xaaji Xuseen uga eexday
taariikhda dagaalladii sokeeye ee ka dhex-qarxay Jamhuuriyadii la
odhanjiray Somalila oo iska-indhatiray inuu ka hadlo masiibooyinkii iyo
dhibaatooyinkii laxaadka lahaa ee Taliskii Siyaad Barre ee Beesha
Daarood u geystay dadka Isaaqa ee u badan Somaliland. Waxaa kale oo aanu
xusin ama qirin in masiibooyinkii dagaallada sokeeyay ay sabab u ahayd
cadaaladarradii foosha xumayd ee laga dhaxlay dawladnimadii la beeleeyay
mudadii 21 sano ahayd ee uu madaxa ka ahaa Siyaad Barre.

Waxaa taariikhda ku cad in markii dadka Somaliland u adkaysanwaayeen
Taliskii Siyaad Barre oo magaalooyinkii waaweynaa iyo dagaanadii dadka
Isaaqa  ee Waqooyiga u bedalay mustacmarad la gumaysto horena loo ogaa
in Koonfurtu ka duudsiday saamigii ay Reer Waqooyigu  ku lahaayeen
dawladnimadii Is-raaca ahayd ayaa waxaa qasab noqotay in sannadkii 1981
la aasaaso Ururkii Hubaysnaa ee S.N.M si ay xaqooda dawladnimo u soo
dhacsadaan, dhulkoodana ka xorreeyaan  ciidamadii qabiilku maamulijiray.

Markii Ciidamdii S.N.M dagaalka hubaysan ku bilaabeen Taliskii Siyaad
Barre, waxaa dhacaday in halkii uu la dagaalamilahaa Ciidamadii S.N.M uu
ku jeestay gumaadka, xasuuqa, xadhigga, silic-dilka, boobka hantida
dadweynaha, burburinta magaalooyinka waaweyn siiba Hargeysa iyo Burco,
iyo qaxinta dadka Isaaqa isaga oo u aanaynaya inay taageeraan S.N.M
iskuna dayay inay dadka Isaaqa dhulkooda ku  beeraan dad kale. Waxaa la
la’yahay dad  gaadhaya ilaa 50, 000 kun oo qof oo ah ahaa dadkii rayidka
ee Beesha Isaaqa. Dadkaas waxaa habeenkii lagala bixijiray guryahooda
dabadeedna waxaa lagu gumaadijiray magaalooyink duleedkooda laguna
tuurijiray xabaalo-wadareedyada ay markasta  soo saaraan daadadku. Waxaa
diyaarado, taangiyo, iyo madaafic si arxandarro ah loogu garaacay
shacabkii iyo maatadii magaalooyinka waaweyn ee Hargeysa iyo Burco.
Xataa dadweynihii magaalooyinkan ka qaxayay gumaadka waxaa lagu garaacay
diyaarado iyaga oJaziira ee ku taal duleedka Muqdisho lagu xasuuqay goor habeen ah 46 qof
oo ahaa dad shacab ah Isaaq ahaa kuwaas oo Taliskii Siyaad Barre ka
uruuriyay Xaafadda Buulo-Xuubey ee Muqdisho. Dhammaan dadkaas rayidka
ahaa ee la gumaaday waxay u dhinteen magaca qabiilkooda oo ahaa Isaaq
intii u dhaxaysay 1984-1990. Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen marnaba ma
xusin masiibooyinka intaas leg ee uu ku kacay xukunkii Daarood  una
geystay dadka Isaaqa.

Cabdirisaaqow sida aad u tidhi in aan Beesha Daarood illaawidoonin
masiibooyinkii uu Hawiyuhu u geystay ayaa Beesha Isaaquna aanay marnaba
illaawidoonin masiibooyinkii uu u geystay xukunkii Daarood ee Moxamed
Siyaad Barre. Miyaanay Beesha Daarood iyadana ku habboonayn inay dadka
Isaaqa ka raalligeliso dhibaatooyinkii ay u geysatay sida aad u rabto in
Beesha Hawiyuhu uga raalligeliso Beesha Daarood dhibaatooyinkii ay u
geysatay?
Waxaad kale oo tidhi in Beesha Hawiyuhu aanay garowsanayn inay
dhibaatooyin u geysteen Beesha Daroodka. Sidaas kale, Beesha Daarood ma
garowsana inay dhibaatooyin u geysteen Beesha Isaaqa.

Xukunkii Siyaad Barre wxa uu Beesha Daarood u ahaa  “KACAAN”  horseed uu
u ahaa “HALYEY  JAALLE SIYAAD”, laakiin waxa uu Beesha Isaaqa  u ahaa
dulmiweyn, iyo xad-gudubyo ka fogaa Islaamnimada  iyo insaaniyadda,
waxaanu dadkii kale ee Jamhuriyaddii Somalia u ahaa dulmiweyn. Waxay
Beeshada Daaroodku ku doodaa inuu ahaa xukun caadil ah oo loo sinnaa
loona darsaday. Saddexda (3) arrimood ee soo socda waxay caddaynayaan in
xukunkii Moxamed Siyaad Barre aanu ahayn mid loo sinnaa oo loo darsaday
balse uu ahaa xukun muujinaya inuu ahaa xukun Daarood  oo dadkii
Jamhuuriyadii Somalia si weyn u kala fogeeyay lagana dhaxlay dagaallo
sokeeye oo aad u fool-xun laguna kala tegay. Bal saddexdan (3) arrimood
oo qudha aan kasoo qaadano sababihii faraha badnaa ee dadka kiciyay ee
loola dagaallamay  loona riday Xukunkii Siyaad Barre oo ahaa dulmiweyn
oo xagga Eebbe (SWT) laga burburiyay.

Saddexdan  (3) arrimood  oo kala ahaa: Ciidamadii Taliskii Siyaad Barre
ee fadhiyay Gobolladii Waqooyiga, Duulliyayaashii ka qayb qaatay
gummaadka, burburka, iyo qaxinta lagula kacay Dadka Isaaqa, iyo
saafiiradii Jamhuuriyaddii Somalia u fadhiyay adduunka

1. Ciidamadii Fadhiyay Gobolladii Waqooyiga

Taliyayaashii Ciidamda Xoogga Dalka Somaliyeed ee fadhiyay Gobolladii
Waqooyiga mudadii ahayd 21ka sano ee Moxammed Siyaad Barre xukunka
hayay, iyo ka horba, waxay 98% ahaayeen Beesha Daarood. Taliyayaashaas
waxay dagaallada sokeeye ka hor u bedaleen Gobolladii  Waqooyi
mustacmarad  la cabbudhiyo dadka, markii dagaallada sokeeye dhaceenna
waxay dadka Isaaqa u geysteen dhibaatooyinka laxaadka leh ee kor ku
xusan iyaga oo difaacayay xukun qabiil. Taliyayaasha Ciidamada waxaa ka
mid ahaa:

1- General Jaamac Aw Muse Samater (Majeerteen)
2- General Mohamed Ali Mire…………….(Majeerteen)
3- General Muse Xasan Abdulle…………(Ogaadeen )
4- General Cismaan Saalax C/karim….(Majeerteen)
5. General Yusuf Axmed Salxaan (Gabooye Majeerteen)
6- General Siciid Farax Gooje…………….(Mareexaan)
7. General Mohamed Xaashi Gaani…..(Mareexaan)
8. General Mohamed Siciid Morgan…..(Majeerteen)
9. General Ahmed Warsame Mohamoud…(Mareexaan)
10.  General Mohamed Hussein Daa’uud (Awrtable)
11. General Cosmaan Shiikh Cali , Badmaceeye …… (Abgaal)
12. General Cabdicasiis Cali Barre …… (Mareexaan)
12. General Siyaad Daa’uud ……….. (Ogaadeen).

Dhismihii ciidamada  Qaybtii 26aad ee ay xukumijireen taliyayasha kor
xusan waxay kala ahaayeen: Xarunta Taliska Dhexe Hargeysa oo ay hoos
imanjireen Saadka, Keydka Hubka, Rasaasta, Hawlgelinta, Gaadiidka,
Ururka Koofiyadcasta iyo Han gashta, Maxkamada Ciidanka,  Xarunta
Caafimaadka ee Ciidanka, Gaaska 1aad oo fadhigiisu ahaa Boorame, Gaaska
2aad oo fadhigiisu ahaa Hargeysa, Gaaska 3aad oofadhigiisu ahaa Burco.

Waxa kale oo Taliska Qaybta 26aad ee Hargeysa si gaar ah u hoos
imanjiray:.

1-Guutada 4aad ee Madaafiicda Goobta, Hargeysa.
2-Guutada Gantaalaha,  Hargeysa.
3-Ta4-Guutada Taangiyada ee Benderwanaag.
5-Saldhiga Berbera ee Cirka, Dhulka, iyo Badda.
6- Warshedda Kabida Hubka ee Hargeysa.
7-Dugsiga Tababarka Ciidanka ee Mandheera.
8-Dugsiga Tababarka ee Dararweyne oo lagu tababari jiray dadka
Qaxoontiga ah oo qaab-qabiil loo soo xulay.
9-Dhamaan askarta Baraha Kantaroollada oo ahaa koofiyad iyo hangasha.

Dagaalkii ku dhexmaray Ciidamadii Xaq-u-dirirka ahaa SNM iyo ciidamadii
Siyaad Bare ee ka dhacay  Magaalada Burco 27kii May 1988 ka dib,
Gaaskii 3aad waa la balaadhiyay, waxaana laga dhigay Qaybta 27aad oo
taliye looga dhigay General Cabdicasiis Ali Bare (Mareexaan).

Waxa iyana jirtay Guutada 24aad oo fadhigeedu ahaa Hargeysa.
Guutadaasi way ka madaxbanaanayd Gaaska 2aad ee Hargeysa, waxayna toos u
hoos imanjirtay Taliska Dhexe ee Qaybta 26aad. Guutadaa 24aad oo
shaqadeedu ahayd Xasuuqa, dhaca hantida shacabka iyo qaxinta waxa ku
mataanaysnaa Ururka Beebeeyada oo Xeradiisu ku taalay Rugta Xaraf.

Seddexda Gaas waxa kale oo hoos imanjiray guutooyinka kala ah: Guutada
Beer, Guutada Oodweyne., Guutada Gorayacawl, iyo Guutada Lug-hayo.

2.  Duuliyayaashii xasuuqay Dadka Isaaqa, Hargeysa iyo Burcana
Burburiyay

1. G/sare Khaliif Ciise Yuusuf, Taliyihii Ciidanka Ballidoogle,
(Majeerteen)
2. G/sare Faarax Siciid, Taliyihii Ciidankii Cirka ee Hargeysa
(Majeerteen)
3. G/sare Maxamed Adan Dirir, Taliyihii Ciidankii Cirka ee Berbera
(Mareex)
4. G/sare Yuusuf Maxamud Maxamed (Majeerteen), .Duuliye Mig 17.
5. G/sare Mursal Xaaji Axmed *Muufo*( Abgaal), Duuliye Mig 19.
6. G/sare Maxamed Xasan Raage (Xawaadle), Duuliye Mig 19
7-G/sare Xuseen Aadan Ibrahim  (Samaroon), Duuliye Mig.
8. G/sare Ahmed Gurxan Hoori (Ogadeen) Duuliye Mig.
9.  G/sare Maxamed Axmed Xaayow(Abgaal), Duuliye Mig.
10. G/sare Xirsi Maxamed Faarax (Mareexaan), Duuliye Mig.
11. G/dhexe Cadulaahi Xaaji (Ogaadeen), Duuliye Mig.
12. Axmed Moxamed Moxamuud (Mareexaan), Duuliye CESNA ee Sahanka.
13. Faarax Xaaji Salaad (Majeerteen), Duuliye CESNA ee Sahanka.
14. Yusuf Juseeb ( Majeerteen), Duuliye CESNA ee Sahanka.
15. Xasan Yare (Ogaadeen), Duuliye CESNA ee Sahanka.

Intaas waxaa weheshay calooshood-u-shaqaystayaal duuliyeyaal  ahaa oo
laga soo kiraystay South Afrika iyo Zimbaawi oo ka qaybgalay xasuuqii
iyo burburkii loo geystay dadka Isaaqa ee Somaliland.

3. Safiiradii Jamhuuriyaddii Somalia kala fadhiyay adduunka sannadkii
1990

A) Qaaradda Waqooyiga Ameerika

- Washington: Cabdikarim Ali Omar,  (Ogaadeen)
- New York (USA): Abdullahi Said Osman, (Geri)
- Ottawa (Canada): Abdirahman Artan Aden, (Mareexaan)

B) Qaaradda Yurub

- Roma (Italy):  Yusuf Ali Osman,  (Majeerteen)
- Bonn (Germany) : Hassan Abshir Farah,  (Majeerteen)
- Berlin (E/Germany):  Ahmed Shire Mahamud, (Majeerteen)
- London (UK): Ahmed Jamac Abdulle,  (Dhulbahante)
- Paris (France):  Saciid Haji Mahamud, (Dhulbahante)
- Brussels (Belgium):  Ali Hassan Ali, (Warsangeli)
- Stockholm (Sweden):  Yusuf Haji Said Mahamud,  (Warsangeli)
- Bucharest (Romania):  Mahamed Ahmed Tafadal, (Warsangeli)
- Moscow (USSR): Abdullahi Egal Nur,  (Mareexaan)
- Geneva (Switzerland): Faduma Isaaq Biixi, (Mareexaan)
- Belgrade (Yugoslavia): Faduma Mahamed Enow, (Raxaweyn)
- Ankara (Turkey): Hussein Mahamed Bullaale, ( Habar Awal)

C) Qaaradda Aasiya

- Tokyo (Japan): Dahir Farah Afey, (Ogadeen)
- Beijing (China): Mahamed Hassan Said, (Dhulbahante)
- Tehran (Iran): Abdi Shire Egal, (Mareexaan)
- Damascus (Syria): Hassan Musse Tarey, (Mareexaan)
- Abu Dhabi (UAE):  Adan Hirsi Isse, (Mareexaan)
- San’a (Yemen): Abdisalan Moallim Diini, (Mareexaan)
- Karachi (Pakistan): Abdisalam Haji Ahmed Liban, (Habargidir)
- Baghdad (Iraq): Isse Ali Mahamed, “Dheere” (Abgaal)
- New Delhi (India):  Mahamed Osman Omar, (Banaadiri)
- Doxa (Qatar): Sharif Mahamed Omar, (Banaadiri)
- Kuwait city (Kuwait): Abdulqadir Amin Sheikh, (Banaadiri)
- Riyadh (Saudi Arabia):  Ahmed Abdulla Mahamed,  (Banaadiri)
-Muscat (Oman):  Mahamed Su- Nairobi (Kenya):  Ahmed Sheikh Mahamud, (Mareexaan)
- Kampala (Uganda): Mahamed Abdulqadir Warsame, (Mareexaan)
- Addis Ababa (Ethiopia): Ibrahim Haji Musse (Majeerteen)
- Djibouti (Djibouti) Ahmed: Jamac Said Xandulle, (Mareexaan)
- Khartoum (Sudan): Mahamed Sheikh Ahmed Tima-cade,  (Ogaadeen)
- Dakar (Senegal): Ali Abdi Gurhan, (Ogaadeen)
- Algiers (Algeria): Abdullahi Mahamed Hassan,  (Ogaadeen)
- Lusaka (Zambia): Omar Mahamed Umul (Dhulbahante)
- Lagos (Nigeria): Mahamed Sheikh Hassan, (Samaroon)
- Tunis (Tunisia): Abdullahi Sheekh Ismail,  (Biyamaal -Dir)
- Tripoli (Libya): Abdirahman Osman Said, (Geellle) (Gaadsan)
- Cairo (Egypt): Abdirahman Abdi Hussein (Reer Aw Hassan)

E) Qunsuliyadihii Guud

- Roma (Italy): Ahmed Sugulle Hirsi, (Mareexaan)
- Washington: (USA) Mahamud Ali Magan, (Mareexaan)
- Jeddah (Saudi Arabia):  Mahamed Ali Omar,  (Mareexaan
- Aden (Yemen):  Ahmed Aden Omar, (Sheekhaal)
-  Dubai (UAE): Abdulqadir Hirsi,  (leelkase)

Arrimaban kor ku xusan waxay ku qoranyihiin diiwaanka taariikhda
Jamhuuriyaddii la odhanjiray Somalia waxaana si weyn loogu lafa-guraa
loogana soo xigtaa Saxaafadda Somaliland iyo Saxaafadda Somalia. Waxaa
marag-ma-doonto ah oo aan la dafirikarayn in arrimaahasu si weyn u
caddaynayaan in xukunkii Moxamed Siyaad Barre uu ahaa xukun Daarood.
Arrimahan kor ku xusan cidna maanta lagu xumaynmaayo balse waa taariikh
ka dhexdhacday dadyowga Somaliyeed ee deggan Geeska Afrika oo loo
baahanyahay in la xususto.

Haddii aan taariikhda 1960 dib u raacno, Cabdirisaaqow waxaad ahayd
ninkii  ugu horreeyay ee dhaawaca midnimadii ay ku midoobeen Somaliland
iyo Somalia markii aad boobtay ra’iisal wasaaranimadii ay xaq u
lahaayeen Reer Waqooyigu  1960 markii  Koonfurtu qaadatay madaxweynihii
oo ahaa Mudane Adan Cabdulle Cusmaan (Eebbe ha u naxariisto) sidaasna ay
ku bilaamatay cadaawadda siyaasadeed ee dhexmartay Somaliland iyo
Somalia. Waxaa la yidhii maroodigu ma arko takarta saaran ee waxa uu
arkaa takarta saaran midka kale. Waraysigii aad bixisay waxaa uu ahaa
xag-jir (Very Biased Interview) oo aadan ka hadlin wixii Somalida ka
dhexdhacay xilligii dagaallada sokeeye balse ku soo koobtay oo qudha
wixii loo geystay Beesha Daaroodka. Markaas maxaa diidaya inay si xun
kuu qaaday caadifad qabiil (Overwhelmed by Tribal Emotions). Maanta
dadka Somalia (Koonfurta) waxay u baahanyihiin oday isu soo jiida oo
walaaleeya, uma baahna  oday hurgumo dhiig ka keena nabaro la dheyayo oo
la rabo in laga bogsado. Waxaan beri akhriyay buug uu taariikhdiisa ka
qoray Madaxweynihii Vietnam ee la odhanjiray Hoshi Min, buugaas waxaa uu
ku qoray kana codsaday dadkiisa  inaan waxba la weydiin, xilkana laga
ilaasho marka da’diisu  dhaafto 75 sano waayo waxa uu sheegay in
maskaxdiisu sii daciifayso oo waxuun qarribayo.  Cabdirisaaqow waxaad
maanta tahay da’ ee cibaadada u gaar noqo.

Gunaanadka Wixii Dhacay: Beesha Daarood waxay dembiga ka gashay Beesha
Isaaqa, Beesha Hawiye waxay dembiga ka gashay Beesha Daaroodka, Beesha
Hawiye iyada ayaa dembiga iska gashay kana gashay dadkii kale ee
cidkasta lahaa ee degaan Koonfurta.

Qoray: Ibrahim Hassan Gagale
Email: ibrahim_hg@yahoo.com
Taariikh: June 23,  2013

18 Responses to Cabdirisaaq Xaaji Xuseen: Duq Ka Eexday Taariikhda

  1. Gacal June 23, 2013 at 8:22 pm

    Majeerten kaliya somali halaga qabto mel haloga so wada jeesto wax xil ah yanan lo dhib waligod somaliweyn dawa iyo dowladnimabo wey hele insh allah majeertenow umada way ku karahdaye ilaaha idin abuurtay ka yaaba o aakhira xasusta caadhifad aan dhamaad lahayna umada la dhex taagan tahin

    Reply
  2. fadumo June 23, 2013 at 8:27 pm

    WAR UMADA HAYS KU DIRINA DABKAAD SHIDAYSAANA DAAYA AMA KHAYR KA HADLA AMA ISKA AAMUSA WALAHAY IDINKA AYAA DAGAAL HURINAYA EE WAA MEESHAAD GEYSAAN AYAN I9DIN EEGI DOONAA UMADA UUN BAAD KALA FOGAYNAYSAA

    Reply
  3. jimcaale jeesow June 23, 2013 at 9:32 pm

    horta waxaad u hadashay sidii qof aan geeri sugeynin maxaa yeelay dagaal waqooyi ka dhacay soomaalida koonfuurta uma kala harin hawiye daarood jareer raxaweyn iyo cid kastaba ma ilowday wixii lagu dhigay majeerteenka oo ay ku dhigeen saraakiishii isaaq kuwii jogay galkacyo sida dhagaweyne, haabiil iyo cabdi tanzanya iyo kuwo kale oo badan

    Reply
  4. MHB June 24, 2013 at 4:55 am

    Qofku ilaa uu runta ka sheego waxa isaga,iyo reerkiisu dembi galeen,lama rumaysan karo waxa uu sheegayo. Somali horrayso iyo dambayso beel aan dembiga ka qayb qaadan lama helayo,ma fogaynayo in la heli karo qof aan ka qayb qaadan.
    Toobad keen waa qirasho dembi,ka shallay dembi,ka fogaansho dembi. Hubaal ma dhawa xalka Somaliya inta laga helayo qirasho iyo cafis.

    Reply
  5. ahmed June 24, 2013 at 10:17 am

    somali hadeysan majeerteen iska qaban waxa ku dhici doonta dhul la’aan waayo cidani waxay isku darsadeen xasidnimo iyo munaafiqnimo

    Reply
  6. Cabdulahi Cali June 24, 2013 at 10:54 am

    C/rizaq x.xuseen waxow kahadlay 1991 wixii dhacay ee Adiga Ninkaagan walan oo 2007 habar gidir ayaalalaayay ku hayow ma.isla saxantahay aarsigii 2007 hawiye ayow ahaaye habar gidir bis ma.eheen habargidir hawiyaha ayey kamid eheed QABILADA LAHASUQAY oo deganadooda lagabarakiciyay waxey ahaayeen {DUDUBLE}
    iyo
    {MURUSADE}
    Habargidirta laxasuqay ma saleemaanki wasarada Gashandhiga daganay ayad kawadaa
    MAXAA MURUSADE IYO DUDUBLE OO WASADA GAASHANDHIGA ILAA SUUQA XOLAHA DAGANAY U SHEGIN waa adiga habargirirlee ku heysee?

    Reply
  7. xoogsade June 24, 2013 at 12:56 pm

    asc. waxaan somalida kale kula talinayaa inay meel ugu soo wada jeestaan
    qabillkaa dulmiga ku caan baxay. taariikhdu waa ma guurto. waxaa ugu wacan
    waxaa oo dhan somalinimo jinsi kuma laha. waayo waxaa ku cadeynaysaa
    waxaa oo dhib ah oo ay umadda somaliyeed ku hayeyeen .. xil hore iyo
    xildhowba- waa faashihii somliiyoobay. hadda waa la wada ogaaday
    xiddigoodii waa sii dhacayaa. ha lagu wax yar aay u hadhay xiligii la qaban lahaaye. .-
    kkkkkkkk

    Reply
  8. Alli June 24, 2013 at 3:32 pm

    To: Gacal

    Maxaa Muqdishu u diiday nabada muddo 22 sanno MJ mar hore ayay Muqdsihu ka tageen.
    Maxaa u diiday Xiban iyo Xeeb, Galmudug iyo Ehla Sunna Wal Jamaaca qeebta Cayrka ee Galgaduud in ay hal maamul sameesteen Sida Puntland oo kale.

    Saaxiib isa soo hagaaji, adi oo dad kale eedeeneen.

    Tan kale ninka qoraalkan qoray oo leh Dowladii Cabdulahi Yusuf dad bay Muqdishu ku xasuuqday 2007kii.
    War Dowladii Cabdulahi Yusuf ma aheen qabiil. Prof Geedi, Salaad Cali Jeele, Maxamed Dheere, Gacmadheere, Dinaari, Xuseen Caydiid iyo kuwa kale oo badan oo dowlada ku jira kuli waxay ahaayeen Hawiye.

    Dowladii Cabdulahi Yusuf ma intii ay guri guri u kashay bay laheed yaa reer hebel ah, markii la ogaado cida ay yihiina waa la dili jiray waxa ay heestaana waa la bililiqaysan jiray? WAA MAYA.
    WAR ISKU XISHOODA.
    Waagii Cabdulahi Yusuf waxaa jiray Niman xag jir ah oo shacabka aan u aabe yeeleen, oo madaafiic ka soo dhex tuuri jiray, Dowladana markii ay u adgeesan waysay way u jawaabeen. Taasna waxaa ku dhintay shacab badan, kuwa kalena way ka qaxeen.

    Reply
  9. Wiil Ceyr - Hawiye. June 24, 2013 at 10:49 pm

    Ma ilowday Cabdirisaaq
    Dilkii iyo silcintii beesha Hawiye iyo Dir aad u geeysteen.
    Ka soo bilow gacan ku dhiiglayaashii , Wadaadkii Ina Cabdile Xasan oo xamar aad taalada ugu dhisteen iyo Gacan dhiigle Maxamed Siyad Barre.
    Miyaad ilowday, bilili qeysigii Galkacyo, Hargheisa iyo Burco iyo Barbara.
    Miyaad ilowday markii aad idinkoo Darood ah u adegsateen cidankii iyo
    dayuuradihii lugu soo gaday canshuurta shacabka laga qaado.
    Miyaad ilowday markii Siyad Barre u yiri Baladweyn waxa leh Ugadeen
    Burco Majeerteen , Hargheisa Oromo iyo Ugadeen. Xamarna Mareexaan.

    Reply
  10. shishaaye June 24, 2013 at 11:43 pm

    Kaalay qolka falanqaynta qabyaalada iyo sitaasada difaac qabiilkaaga waa 712-432-3566 pin 34

    Reply
  11. Seattle June 24, 2013 at 11:57 pm

    Yaab badanaaaa ninka soo qoray maqaalka. Ee. Dabo galay rasulwasaaraha. Hadiii ay dowlada darood u badnaayeeen. Waxay wax u qabteeed dalkiii soomaaliyeed. Jaamacado. Iskuulo. Iya Caadimaad free ah lakiiin hawiye bal sheeg oo maxaay waadna uqabteeeen. Cali Mahdi waxa uu badii soomaliya ku shubay sunta nuyuklayra. Isagoo lacag qaatay. Badii soomaliya waxaa gadateeen. Aaway. Taaalooyinkiiii qadiimiga ahaaa ee soomaliya. Away fiilooyinkiiii. Warshadaha. Inta qoraalka soo qorow xishoood hadaan Adiga ahay qoraal iska daaye waaa dhuuman lahaaa

    Reply
  12. Runsheeg June 25, 2013 at 1:39 am

    Way la socdaan wax walboo k avhackat dalska ayagaamasuulka ahxata xasuuq Haiti loo gaystay midi shalay tabntakadaran hadal diidaan midnimda Wales waa la Edi rag Ismail baran wali shalay xasuuq kama Dickinson idi ruwnda lakin mantybuu dhacayaa ee ha sugi waayina wuu. Iman intaa xabshidabajogane iyo kenyada daciifka waa Laos baran mardhow wifi kadhaco dhulka lakin anagu Masri maxasuuqno iyo demarkationslinje waayowaa somali badankoodeinta soo hartsat aygoon ladilin Bayern iska xadirin xeradii kenyaati canab bayna kala kulmi iyo guskenyaati basbaas balagu stubin iyo wayay jeclayene hawiye qaxay waa wuxuu ku riyooday cabdulahi yusufe xabashow Baku sogootiyeen avstigit iyo nimankii amxarade waa Taylor awoodi wayeen inay sahaydi ku adkaato e hawiye waa dowlo qaranoo an loo hamuun qabine cidwalay casharka u dhigaan wuuba qusanoe adiguna lamidbaad tahay ninka Xaashi ciilbadaye Wale waan ku eld sin hakan beesha. Isku raacno cudud Bayern leiyhiin an xaqiqsadae galna way iyaga filanyiihin iyo waxaa door bidaysaane Allan magan gala wuuna sacidiye hub banan dowraya hakan helo waankaan kugu xurmad siiyaane. Waan ku quusibn maskiinyahow hadad isgarataane Haiti kalecagtaanku marin sidiga ku Wii kahoreyay e waan kubari waxaa Ahay hadad Malmö joggande

    Reply
  13. kaltun June 25, 2013 at 2:08 am

    Haweyo mayaqaano wax run ah maxaa yeelay ayagoo dhan ayaa ah mooryaan in ay wax dhacaan ma ahee wax kale mayaqaanaan. sidaa waxaan u leeyahay waxay tahay intii wadanka burbury ayaga ayaa loo dhiibay talada wadanka ilaa hadana wax isbadal ah laguma hayo maxaa yeelah waa mooryaan oo mayaqaanaan maamul dowlad nimo in laxukumo mooyaane isma maamuli karaan taas waarum taas maxaa yeelay 20sano ee la soo dhaafay ayaga ayaa maamulka loo dhaafay wax is badal ahna lagama haayo taas ayaa kuu cadaynayso in ay mooryaan yihiin dowlad nimana aqoonin

    Reply
  14. Gurey June 25, 2013 at 9:04 am

    Mj waa madxdii shalayto iyo mustaqbalka ila an Hawiye xukuno sidan ugu xukumi jirnay dhulkoda Mj idin ma deynayan maxad xukumi kartan waa dinka futada madow.

    Reply
  15. shariif June 25, 2013 at 9:07 am

    akhristow ma ogtahay in waagii dawladii siyaad bare waxaa la dejiyey qaxootigii kasoo qaxay dagaaladii 1977 dadkaas dagaalkii ayaa uGu dhacay waqooyi dadkaasu meel ay mareen lama hayo dad ayaa qaba in la xasuuqay dadkaas oo snm ay xasuuqday baarisna waa socotaa

    Reply
  16. Madadaal June 25, 2013 at 1:01 pm

    Subxaan-Allaah. soomaalida maanta waxa halkaa joojiyey waa ku dhaqanka qabyaaladda: hadal heynteeda, u dagaalankeeda, caawinteeda, iwm. Dhidar xabaala qodeen qudhun buu uga dhaadhacaa. Rabbi ha u naxariisto intii dhimatay, intii luntay iyo inta dhaqan doorsoontay; ee ka figira badbaadada inta nool iyo inta dhabarka ku soo jirta. Haddii taa la waayo, dhammaan Soomaali waxa sheegtaa dulli abadah ha u diyaar garawdo. Rabbi u noqda

    Reply
  17. Wiil Wadani June 25, 2013 at 3:55 pm

    Marka hore, Dowladii Siyaad Beri. Majeerteen ayaa qadka ka tuuray dadkan iyo dalka bilaaway in musuq maasuq lagu dhaqmo.

    Xiligii Talyaaniga uu gumeysan jiray wadanka, Majeerteen ayaa u badnaa oo ahaa askartii Talyaaniga ku shaqeysan jireen oo la dhihi jiray Koofiyo dhuub. Gen, Cade Muuse Abaabihiis ayaa ku jiray oo turjumaan u ahaa.

    Gacan ku dhiigle C/laahi Yusuf iyo Dhamaan Majeerteen rag iyo dumar, wadaad, ganacsade, aqoonyahan iyo caaqilba waxay isku raaceen in Itoobiya lagu xasuusqo Magaalada Muqdishu. 22 sano kama dhicin wixii ka dhacay oo ay geesteen Wiilal Boosaaso iyo Garoowe iyo Duurka Beri laga soo aruuriyey wixii ay ka geesteen Xamar.

    C/rashiid Sharmaake iyo C/wali Gaas waxey ku tashteen oo ay dhac ugeesteen hanti qaran oo loogu talo galay Dadka soomaaliyeed. Tusaale ahaan Gaas wuxuu yiri Puntland waxaan siiyey hanti dhimayaal loogu talo galay Dowlada Somalia anigoo u adeeg sanaaya magaceyga ra’isul wasaare ” http://www.youtube.com/watch?feature=player_embedded&v=v2PFkOECylY

    C/rashiid wuxuu ka mid ahaa dadkii rabay inay gataan bada koofurta somalia.

    Marka Majeerteen mala dhihi karaa waa dad raba in soomaali horumar gaarto?

    Dowlada Federalka waxay rabaan in ay ka horyimaadaan maxaa yeelay waxay u arkaan inaan dad ugu jirin Majeerteen oo aysan heysan Madaxwayne, Ra’isul Wasaare iyo Afhayeenka Barlamaanka.

    Meeqo qof oo majeerteen ah ayaa ku faanta iney gaalo yihiin. Ayaan Xirsi, Iman, Waris iyo kuwo kale oo badan.

    Waa maxay sababta keentay inay Majeerteen markasta hoos galaan Gaalo oo wax deydiistaan Xiligii C/laahi Yusuf ayagaa itoobiyaan keenay, C/rashiid iyo Gaas ayaa ka mid ah raga Kenya gadaal ka riixaya.

    Uganda iyo Burundi C/laahi Yusuf ayuu ahaa ninkii keenay Muqdishu. Maantana Faroole ayaa leh Kenya hadey baxeeso Uganda iyo Burundi ha baxaan.
    Su’aal, yaa kusoo hoogaamiyey oo keenay dalka? Majeerteen waa isma dhaanto iyo dhasheeda.

    Reply
  18. mujaahidiinti snm 1988 June 27, 2013 at 10:44 pm

    way iska cadahay in somalidu is dulmisay ,, waxaana kow ka ahaa ehlu naarti , daaquudki maxamed siyaad bare ,,,hadaanu nahay beesha isaaq waanu ognahay ninkii ii hiiliyay iyo ninki iga hiishay ,, waxaan abaal weyn uu hayna walaalahyo HABAR GIDIR ,, oo runti nagala qayb qaatay inaan iska tuurno heeryadi guumaysigi afweyne bare ,, runti abaal weynbaan uu ahayn ,, Gen maxamed faarah caydiin allah naxariisti jano haka waraabiye ,,, runti beesha daarood somali waa kuwa halkaas kala geeyay waana kuwa maanta diidan in somali nabad iyo barwaaqo ku noolato ,, nin daarooda oo kasta oo xukun somaliya ka qabtay oo aan dagaal galin ma jiro ,, anigu waxaan leeyahay somalida koonfurta idima necbin , laakin ninba laga hayay caano maan diidine markay candho dameerad galeen ayaan diiday,,, somaliya ha taliyeen daaquudyada daarood ayaan uu nacay ,,

    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>